5 entries

Articles Published on March 9, 2015

Haweenka oo markii u horeysay laga qeyb gelinayo Hey’addaha Garsoorka dalka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay markii u horeysay door ku yeelan doonaan Garsoorka dalka, isagoo xusay in dhowaan la arki doono Haween Xeer Ilaaliyeyaal iyo Garsoorayaal ah.

Ilaa 13 qof Tahriibayaal Soomaali ah ah oo ku geeriyooday duleedka magaalada Khartoum

Ilaa 13 ruux oo Tahriibayaal Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Mareykanka ee xayiraada looga qaaday Zakariye Ismaaciil

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhoweyneysa go’aanka dowladda Mareykanka ay liiska dadka madaxooda lacagaha abaal marinta dul dhigtey uga qaaddey Zakariya Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaano Zaki, kaas oo ka mid ah xubnaha ka soo goostey Al Shabaab ee la shaqeynaya dowladda.

JEN. DIINI: Dowladdu Waxay u Tanaasulaysaa Danta Shacabka Soomaliyeed

Wasiirka difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo socdaal ku joogay gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guri-ceel, isagoo sidoo kalena kormeeray dugsiga tababarka qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo AMISOM ka tirsan.

Somalia oo laga Mamnuucay Gudniinka Gabdhaha ee loo yaqaanno Fircooniga

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku dhawaaqay maanta in dalka uu mamnuuc ka yahay gudniinka gabadhaha lagu sameeyo ee loo yaqaano Fircooniga, isagoo tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya ruuxii lagu helo in gudniinkaan uu ku sameeyay gabadhiisa sharciga lala tiigsan doono.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS