Wasaaradda Amniga oo shaacisay in heegan la geliyay Ciidamada Ammaanka

Wasaarada Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in heegan buuxa la geliyay ciidamada ammaanka, iyadoo howl gallo ballaaran ay ka socdeen qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Amniga oo shaacisay in heegan la geliyay Ciidamada Ammaanka

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan weeraro ay qorsheynayaan in Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

“Ciidamada Ammaanka heegan sare ayaa la geliyay, waxayna hey’adaha sirdoonka ay heleen xog ku saabsan in kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan falal argagixiso inay ka fuliyaan Muqdisho”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada ay howl gallo dheeraad ah ka wadaan isgoysyada iyo xaafadaha magaalada, isagoo xusay in howl galladu ay yihiin kuwo habeen iyo maalin socda sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada ay maalmihii la soo dhaafay ay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab ka fulin rabeen magaalada Muqdisho, kuna dhibaateyn rabeen shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo afka u duuban ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, iyadoo ciidamadan baaraya gawaarida iyo dadka saaran.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS