Ciidamada Ammaanka oo howl gallo ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Ciidamada ammaanka ayaa howl gallo ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadan oo ku sugan inta badan isgoysyada wadooyinka muhiimka ah waxay baaritaan si feejignaan ku dheehan tahay ku sameynayan gaadiidka.
Ciidamada Ammaanka oo howl gallo ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Howl galladan oo ah kuwo ka adag kuwii hore ayaa ciidamo afka u duuban oo ka tirsan ciidanka Nabadsugida ayaa lagu arkayay isgoysyada muhiimka ah, waxayna laamaha amniga dowladda ku tilmaameen in howl galkan lagu xaqiijinayo amniga. Afhayeenka Laamaha Ammaanka Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in howl galladu si caadi ah u socdaan habeen iyo maalin, isla markaana si guud ammaanka caasimada loo xaqiijinayo, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay fashiliyeen weeraro la damacsanaa. “Howl galladu ma xadeysna, habeen iyo maalin ayay socdaan, ciidamadana amniga waxay u taagan yihiin sugida nabadgelyada, ilaa iyo hada waxaa la fashiliyay dhowr weerar oo ay nabad diidka rabeen in shacabka ku dhibaateeyaan”ayuu yiri Col. Qaasim Axmed Rooble. Sidoo kale waxaa uu sheegay in shalay ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen mootada loo yaqaano bajaajta oo walxaha qarxa saarnaayeen, isagoo xusay in lala qabtay ruuxii waday sida uu yiri. Inkastoo ciidamada dowladda ay howl gallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan magaalada, hadana mararka qaar waxaa dhaca qaraxyo iyo dilal, iyadoo bishii hore ay aheyd markii qarax ismiidaamin ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay Hotelka Central.
Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS