151 entries

Articles Published in March, 2015

Somaliland oo shuruud ku xirtay wada hadalada maanta ka bilaabanaya Istanbul

Wada hadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa maanta la filayaa inuu ka furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib markii ay gaareen wafuudii labada dhinac ka kala socotay.

Ilaa shan wariye ay ku jiraan Wariyeyaashii Shabelle oo markii shanaad Maxkamad la soo taagayo

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u balansan dhageysiga dacwada loo heysto Wariyeyaal ka tirsan Idaacadaha Shabelle, SKY FM iyo Radio Risaala, kuwaasoo bishii hore la horgeeyay Maxkamadda.

Madaxweyne Kuxigeenka Seirra Leone oo is karantiilay, markii uu isaga shakiyay cudurka Ebola

Madaxweyne kuxigeenka dalka Seirra Leone Samuel Sam-Sumana ayaa sheegay inuu is karantiilay, kadib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu u dhintay cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen oo ku qarxay agagaarka Isgoyska Al-Baraka ee degmada Hodan

Gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa ayaa abaarihii maqribkii ku qarxay agagaarka Isgoyska Al-Baraka ee degmada Hodan, iyadoo qaraxa ka hor is rasaaseyn ay dhex martay ciidamo ka tirsan Booliska oo ku sugnaa jidka Sodonka iyo labo ruux oo gaariga wadatay.

Wasiirkii Maaliyada Somaliland oo iska diiday xilkii loo magacaabay

Wasiirkii Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa Wasiiradii uu isku shaandheynta ku sameeyay Madaxweyne Siilaanyo ayaa iska diiday xilkii loo magacaabay ee Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada Axada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Murti iyo maaweelo  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Wararkii ugu dambeeyay Wada hadalada Istanbul oo bur bur qarka u saaran

Wafdiga Somaliland u matalaya wada hadalada Istanbul ayaa mar kale diiday inay hor fariistaan xubno ka mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya, iyadoo dadaalo tan iyo xalay ay wadeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga oo ku saabsanaa sidii xal loogu heli lahaa caqabada taagan ay guuldareysteen.

Askari dilay Gudoomiye kuxigeenkii degmada Buur-dhuubo oo dil toogasho lagu xukumay

Wararka ka imaanaya degmada Buur-dhuubo ayaa sheegaya in askarigii dilay Gudoomiye kuxigeenkii degmadaas lagu xukumay dil toogasho ah, marki Maxkamad ku taal degmadaas ay u fariisatay qaadista kiiska dilka.

Sirdoonka dalka Kenya oo sheegay in ururka Alshabaab uu qorsheynayo inuu weeraro xarunta Baarlamaanka Kenya

Guud ahaan ammaanka xarunta baarlamaanka dalka Kenya ee magaalada Nairobi ayaa sare loo qaaday kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ururka Alshabaab uu qorsheynayo inuu weerar ku soo qaado.

Maamulka Galgaduud oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadkii ku barakacay dagaalkii Guriceel

Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Hey’addaha sama falka inay gurmad deg deg ah la gaaraan dadkii ku barakacay dagaaladii dhowaan ka dhacay Guriceel.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS