Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo goor dhow gaaray magaalada Beledweyn

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo goor dhow gaaray magaalada Beledweyn

Booqashada Madaxweyne Geelle uu ku tagay magaalada Beledweyn ayaa ah tii u horeysay, halkaasoo Ciidamo ka socda Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka AMISOM.

Labada madaxweyne ayaa waxa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay Saraakiisha Ciidamada AMISOM, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo dayaasha dhaqanka.

Ammaanka magaalada Beledweyn iyo duleedyadeeda ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo gebi ahaanba la hakiyay diyaaradihii caadiga ahaa ee maalin walba ka degi jiray Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wafdiga labada madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Jabuuti ee AMISOM, waxaana goor dhow loo gelib doonaa gudaha magaalada Beledweyn.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmi doona Saraakiisha AMISOM ee Jabuuti, isagoo kormeeri doona xeryaha ciidamada ay ku leeyihiin duleedka Beledweyn.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa khamiistii gaaray magaalada Beledweyn, isagoo tagay magaalada Buulo Burde oo ah magaalada labaad ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Jabuuti.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baladweyne

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS