Mareykanka oo sheegay inuu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii cirka ahaa oo Sabtidii la soo dhaafay ay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ka fulisay Koofurta Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka oo sheegay inuu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca John Kirby ayaa sheegay in weerarkan lala eegtay Sarkaal lagu magacaabo Yuusuf Deeq oo ahaa Madaxa howlgaladda dibada, qorsheynta, Sirdoonka iyo Amniga.

Waxaa uu sheegay in wali la darsayo natiijada rasmiga ah ee weerarkaas hadii uu wax ku noqday Yuusuf iyo hadii kale, waxaana uu meesha ka saaray in weerarkaas uu dad rayid ah ka soo gaaray wax khasaare ah.

Waxaa uu sheegay in haddii weerarkaasi uu ahaa mid lagu guuleystay ay taasi dhabarjab weyn ku noqon doonto Al-Shabaab.

Sabtidii ayay aheyd markii weeraro is xig xigay ay diyaarad Drone ah ka geysatay deegaano u dhaxeeya Diinsoor iyo Toora Toorow oo ka kala tirsan Gobolada Bay iyo Shabeellaha Hoose.

Maraykanka ayaa weerarro xiriir ah la beegsaday bilihii la soo dhaafay hoggaanka Al-Shabaab, waxaana bishii September ee sanadkii hore uu weerar ku dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Bishii December ee sanadkii hore Wasaaradda difaaca ee Pentagon ayaa waxay xaqiijisay in Maraykanku uu weerar ku dilay Tahliil Cabdishakuur oo ahaa madaxii sirdoonka Al-Shabaab.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  usa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS