5 entries

Articles Published on February 4, 2015

Sanbaloolshe oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya London oo looga hadlayo Amniga iyo Argagixisada Afrika

Madaxii hore ee Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Soomaaliya u matalaya shir looga hadlayo Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada Qaarada Afrika, kaasoo maanta ka furmaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Mareykanka oo sheegay inuu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii cirka ahaa oo Sabtidii la soo dhaafay ay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ka fulisay Koofurta Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Weerar xalay lagu qaaday Saldhig boolis ku yaal Boosaaso iyo Mas’uul lagu dilay Galkacyo

Kooxo Hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig Boolis ku yaal magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, iyadoo weerarka uu muddo daqiiqado ah socday.

Qarax qasaare geystey oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne.

Xawaaladaha Somalida Minnesota oo laga cabsi qabo inay dhawaan Xirmaan

Merchants Bank of California oo ahaa bangigii keliya ee la shaqaynayay xilliyadii ugu dambeeyey xawaaladaha ay Soomaalidu lacagaha ku diraan ayaa waraaq qoraal ah oo uu soo diray 27-kii bishii hore ku sheegay in 06-da bishaan Febaraayo oo ku beegan Khamiista berri ah uu joojinayo xiriirkii uu la lahaa xawaaladaha, isla markaana wixii xiligaasi ka dambeeya uusan gudbin doonin wax lacag ah oo ka timaadda xawaaladaha Soomaalida.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS