130 entries

Articles Published in February, 2015

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada Axada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasashada Axada oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Ururka Midowga Afrika oo u diraya ciidamo dalka Nigeria

Ururka Midowga Afrika ayaa u diraya ciidamo gaaraya 7,500 oo askari dalka Nigeria si ay ula dagaalamaan ururka Boko Haram.

Allaha u naxariisto Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa saaka ku geeriyooday Isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ahaa hal abuuradii ugu waa weynaa ee Soomaaliya. 

Ra’iisul Wasaaraha Japan oo cambaareeyay falkii ay Daacish ku gowracday Wariyihii Japan u dhashay

Dowladda Islaamiga ayaa soo bandhigtay muuqaalka Wariyihii Japanes-ka ahaa ee ay afduubka u heysteen ee Kenji Goto, kaasoo ay gowraceen, kadib markii ay dhamaatay saacadihii ay u qabteen in ninkan iyo duuliye u dhashay Jordan ay ku bedeshaan Sajida Al-Rishawi oo ku xiran dalka Jordan.

Duqeymo cirka ah oo lagu qaaday xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in Al-Shabaab khasaare xoogan uu ka soo gaaray duqeymo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Tuulo ka tirsan deegaanka Toora-Toorow.

C/raxmaan Ceynte oo iska casilay Hogaanka Machadka Heritage, kadib markii uu ka soo muuqday Golaha Wasiirada

Warbixin ka soo baxday Machadka daraasaadka siyaasada ee Heritage ayaa lagu sheegay in Agaasimihii machadkaas C/raxmaan Ceynte uu dhinac isaga taagay hogaanka HIPS, kadib markii uu ka soo muuqday Golihii Wasiirada ee la magacaabay 27-kii bishii hore. 

Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo Hogaamiyaha Mucaaradka oo heshiis colaad joojin kala saxiixday

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar ayaa kala saxiixday heshiis colaad joojin ah, kaasoo lagu soo afjarayo dagaalada ragaadiyay dalka yar ee ee Suudaanta Koofureed.

Xildhibaan Dhalxa “Ra’iisul Wasaaraha fara gelinta halaga daayo howshiisa ha u madax banaanaado”

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baralamaanka ayaa ku baaqay in Ra’iisul Wasaaraha laga dhaafo fara gelinta ku aadan qaab dhismeedka Xukuumadda cusub iyo habka uu doonayo inuu u soo xulo Wasiirada.

Dowladda Ingiriiska oo balan qaad u sameysay Maamulka Koofur Galbeed

Wafdi ka socda Dowladda Ingariiska oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ivory Coast iyo Ghana oo u soo baxay Sema Final-ka Koobka Qaramada Afrika (Sawirro)

Xulalka Ivory Coast iyo Ghana ayaa xaqiijiyay u soo bixidooda Sema Finalka Koobka Qaramada Afrika, kadib markii ay ka kala badeen xulalka Algeria iyo Guniea.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS