Maamulka Gobolka Banaadir oo Nalalka ku shaqeeya Qoraxda ka hirgeliyay Jidka Warshadaha (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii u horeysay maanta ka hirgeliyay Wadada Warshadaha Nalalka ku shaqeeya Cad-ceeda, iyadoo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu wax ka rakibay nalalkaas.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Nalalka ku shaqeeya Qoraxda ka hirgeliyay Jidka Warshadaha (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa furay mashruucan naleynta wadada warshadaha, kaasoo uu ku tilmaamay inay qeyb ka tahay dib u soo celinta bilicda iyo mashaariicda horumarineed ee magaalada Muqdisho.

Nalalka laga higeliyay Wadada ee ku shaqeeya Cad-ceeda ayaa gaaraya ilaa 333 nal oo lagu xiray dhamaan jidkaas dheer oo xiriiriya Ex Koontaroolka Balcad iyo Ex Koontarool Afgooye.

“Jidkan Warshadaha oo ka mid ah jidadka ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta laga hirgelinayaa mashruuca naleynta, jidkan waa 10-KM, laga bilaabo Ex Koontarool Balcad ilaa Ex Koontarool Afgooye, waxaa la gelinayaa ilaa 333 nal oo casri ah”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Gudoomiye Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca Naleynta jidka Warshadaha uu yahay mid wax weyn u tari doona isu socodka dadweynaha iyo ganacsiga habeenkii ee jidkaas oo aan muddo wax nal ah ka jirin.

Wadada Warshadaha oo ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan isu socodka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sanado waxay aheyd wado laga kala guuray, isticmaalkeedana uu aad u yaraa, iyadoo wadadan ay aheyd meelaha ugu badan ee ay dagaalada ka dhici jireen.

Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ayaa horay Nalalka ku shaqeeya Qoraxda uga hirgeliyay wadooyinka magaalada, sida Wadada Maka Al-Mukarama, Wadada Wadnaha iyo jidad kale oo ku yaala Muqdisho.

DSCF1471DSCF1466DSCF1464DSCF1435 - CopyDSCF1425 - CopyDSCF1422 - Copy

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS