Shir looga hadlayo Hiigsiga cusub ee sanadka 2016 oo maanta ka furmaya Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in shir looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal) ee sanadka 2016 uu maanta ka furmi doono,iyadoo qaban qaabada shirkan labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socotay magaalada.

Shir looga hadlayo Hiigsiga cusub ee sanadka 2016 oo maanta ka furmaya Garowe

Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa shirkan si rasmi ah u furi doona, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya, wakiilo ka socda Maamul Goboleedyada iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha hiigsiga cusub ee sanadka 2016 oo la rajeynayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, kaalinta Maamul goboleedyada ku leeyihiin barnaamijka New Deal iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu diiradda saaro kaalinta Puntland ku leedahay Hiigsiga cusub, waxaana qodobada shirkaas ka soo baxa ay gundhig u noqon doonaan aragtida Beesha Caalamka ee ah in sanadka 2016 doorasho xor ah oo hal qof iyo hal cod ka dhacaan Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa la adkeeyay, waxaana ciidamo la dhigay goobta uu shirkan ka furmi doono oo ah xarunta Hey’adda wada tashiga iyo cilmi baarista Puntland ee PDRC.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Garoowe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS