Madaxweynaha “Tanaasul in la sameeyo ayaa loo baahan yahay, waqtigu waa yar yahay…”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhinacyada diidan in Xukuumada cusub lagu soo daro Wasiiro ka mid ahaa Xukuumadii kalsoonida lagala laabtay ayaa waxaa uu u jeediyay inay tanaasul sameeyaan, maadaama dowladda Soomaaliya uu waqtiga ku yar yahay.

Madaxweynaha “Tanaasul in la sameeyo ayaa loo baahan yahay, waqtigu waa yar yahay…”

Madaxweynaha oo ka hadlayay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa xusay in loo baahan yahay in dulqaad la sameeyo, loona tanaasulo marxalada haatan uu dalka ku jiro.

“Waqtiga wuu na hayaa, hadaan kuligeen u istaagin waqtiga ayaa na dilaya, wuu na macno tirayaa, waa na fashilinayaa, inaan waqtiga ilaalino ayaa nagala baahan yahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay suura gal tahay in Xukuumad kasta oo timaada in la eedeeyo ama la dhaliilo, hase ahaatee taas looga gudbi karo dulqaad iyo isu tanaaasul lala yimaad

“Inta suura gal ah walaalaha Xukuumadihii hore qaar waa soo noqon doonaan, qaarna waa suura gal inay ka mid noqon waayaan, Xukuumada waa tiro kooban oo dad Soomaaliyeed oo muwaadiniin ku jiraan, xukuumad kasta oo timaadolabo ama saddex eedeysa lama weynayo, laakiin waxaa uga gudbi karnaa dulqaad iyo tanaasul”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isku raacsan yihiin inay in xukuumad loo dhan yahay la soo dhiso oo ay ka dhex muuqdaan qabaa’ilka soomaaliyeed, iyadoo la eegayo habka awood qeybsiga sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa maalmo kooban uga haray mudada uu Baarlamaanka weydiistay inuu Xukuumad tayo leh uu ku soo dhisayo, kadib markii uu la laabtay Xukuumadii uu soo dhisay 12-kii bishan.

Xildhibaanada ku midoobay Labada Kudladood ee Baarlamaanka ka dhex sameysmay ayaa ka digay in Wasiiradii hore lagu soo daro Xukuumada cusub, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay sabab u ahaayeen ridista iyo fashilinta Labadii xukuumadood ee uu Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay.

Si kastaba ha ahaate Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa waxaa heysta cadaadis xoogan oo uga imaanaya Baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn halka xaalka ku dambeyn doono, iyadoo laga dhowrayo in saacadaha soo socda uu soo magacaabo Gole Wasiiro.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Shiikh Xassan

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS