5 entries

Articles Published on January 27, 2015

Madaxweynaha “Tanaasul in la sameeyo ayaa loo baahan yahay, waqtigu waa yar yahay…”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhinacyada diidan in Xukuumada cusub lagu soo daro Wasiiro ka mid ahaa Xukuumadii kalsoonida lagala laabtay ayaa waxaa uu u jeediyay inay tanaasul sameeyaan, maadaama dowladda Soomaaliya uu waqtiga ku yar yahay.

Al-Shabaab oo la sheegay inay dad ku dhow 50-ruux ka afduubteen deegaan ka tirsan Gobolka Baay

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in dad ku dhow 50-ruux ka qafaasheen Tuulo hoos timaada deegaanka Goof-Gaduud oo duleed ka xigta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Shir looga hadlayo Hiigsiga cusub ee sanadka 2016 oo maanta ka furmaya Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in shir looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal) ee sanadka 2016 uu maanta ka furmi doono,iyadoo qaban qaabada shirkan labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socotay magaalada.

Duufaano baraf wata oo ku dhuftay sagaal gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka (Sawirro)

Duufaano baraf wata ayaa ku dhiftay sagaal gobol oo ku yaalla waqooyi bari dalka Mareykanka, iyadoo uu hakiyay isu socodkii gaadiidk, dadka iyo duulimaadyada, waxaana lagu amray dadweynaha inay guryahooda ku negaadaan.

10 qof oo ku dhimatay diyaarad dagaal ku bur burtay Garoon Milateri ku yaala Spain

Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku geeriyooday markii diyaarad dagaal ay ku bur burtay Garoon Ciidamada Cirka Spain ku leeyihiin bartamaha dalkaas, halkaasoo sidoo kale xarun u ah Gaashaanbuurta NATO.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS