Xaflad lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka hirgelisay Muqdisho oo xalay la qabtay

Xaflad lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, laguna soo dhoweynayay booqashadii Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ee shalay dalka ku yimid ayaa xalay lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Xaflad lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka hirgelisay Muqdisho oo xalay la qabtay

Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee bulshada, Fanaaniin iyo Mas’uuliyiin ka socotay Hey’adaha sama falka ee Turkiga.

Fanaaniinta ka qeyb gashay xaflada ayaa ku soo bandhigay suugaan ka hadleysay waxqabadka Turkiga iyo taageerada lixaadka leh ee ay dadka Soomaaliyeed u fidiyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ugu horeyn xafladda hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed aysan ilaaio doonin taageerada iyo garab istaaga ay u sameysay dowladda Turkiga.

“Walaalaha Turkiga waxqabad muuqdo ayay dalka ka fuliyeen, runtii shacabka Soomaaliyeed ma iloobi doonaan taageeradaas”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab oo intaa ku daray in booqashadii Madaxweyne Erdogan uu ku yimid Muqdisho ay aheyd booqasho taariikhi ah.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo sheegay in saaxibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya ay waligeed sii jiri doonto, hadii ay geeriyoodaan xataa Labada Madaxweyne Erdogan iyo Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre oo tilmaamay in howlaha sama falka ee Turkiga ka wado dalka ay yihiin wax muuqda, isla markaana ay soo dhoweynayaan.

_MG_2553_MG_2563_MG_2569_MG_2573_MG_2590_MG_2603_MG_2606

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS