4 entries

Articles Published on January 26, 2015

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif oo Urur Sama fal kaga dhawaaqay Bristol (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska kaga dhawaaqay urur sama fal la magac baxay Samadoon Foundation,iyadoo ururkan cusub uu diiradda saari doono arrimaha dib u heshiisiinta, waxbarashada iyo caafimaadka.

Xaflad lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka hirgelisay Muqdisho oo xalay la qabtay

Xaflad lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, laguna soo dhoweynayay booqashadii Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ee shalay dalka ku yimid ayaa xalay lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Meydka Xildhibaan Xaabsade oo maanta lagu aasayo magaalada Baydhabo

Meydka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib markii uu shalay subax ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho.

Somaliland oo qabatay baasabooro been abuur ah

Ciidanka waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay paasapooro ay qabteen bilihii u danbeeyay oo dalalka reer galbeedka laga leeyahay oo dad rakaab ahi doonayeen inay si sharci darro ah ugu tahriibaan Yurub , iyo woqooyiga Amerika.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS