Madaxweynaha Turkiga oo si rasmi ah u furay Terminalka cusub ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa furay Terminalka cusub ee garoonka oo ay dayactirtay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga oo si rasmi ah u furay Terminalka cusub ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Madaxweyne Erdogan ayaa u mahad celiyay shirkada dhistay Garoonka, waxaana uu markii uu xariga ka jarayay ku bilaabay Magaca Alle, iyadoo uu dhinac taagnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilliga uu xariga ka jarayay Terminalka cusub.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Turkiga iyo shacabka Turkiga, isagoo sheegay inuu farqi u dhaxeeyay markii uu imaanayay iyo hada, waxaana uu ku amaanay dadaalkiisa Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u dhaqaaqay dhinaca iyo Isbitaalka Digfeer oo uu Turkiga dib u dayactir ku sameeyay, iyadoo isbitaalkan loogu magac daray Recep Tayyib Erdogan.

Waxaa la filayaa inuu sidoo kale halkaas u furo, waxaana kadib uu u soo gudbi doonaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo ay shir jaraa’id ku wada qaban doonaan labada Madaxweyne, isla markaana ku saxiixayaan heshiisyo dhowr ah.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS