DEG DEG: Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Diyaarada sida Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa goor dhow soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo inuu salaan sharaf ka qaato cutubyo ka tirsan Ciidanka qalabka sida.

DEG DEG: Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo astaanta Turkiga loo garaacayo, waxaa ay taagan yihiin meel loogu tala galay Madaxweynaha Turkiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo ay hareerta kaga dhigan yihiin calamada labada dal.

Sidoo kale Calanka Soomaaliya ayaa goor dhow la saaray, waxaana jawiga garoonka uu yahay mid aad u heer sareeyay, ammaankana aad ayaa loo adkeeyay, waxaa la arkayaa Ciidamo gaar ah oo Ilaalada Madaxweynaha Turkiga ah.

Labada Madaxweyne ayaa maraya hab maamuuska loogu tala galay ee soo dhoweynta, waxaana ku socdaan Rooga gaduudan ee loogu tala galay Madaxda, waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidamada xooga dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si aad ah loo xardhay, iyadoo lagu dhajiyay calanka Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kale sawirada Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana ka socday garoonka diyaar garow aad u ballaaran oo lagu soo dhoweynayo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisl Wasaare Cumar Cabdirashiid, Golaha Wasiirada, safiirada dowladaha Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uliyiin kale ayaa ka qeyb qaadan doona munaasabad lagu furayo Garoonka diyaaradah Aadan Cadde.

Munaasabad ka dhici doonta qeybta cusub ee Terminalka garoonka diyaaradaha ayuu madaxweynaha Turkiga furi doonaa, kaasoo ay dhistay dowladda Turkiga.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyin badan oo la dhigay ciidamo fara badan oo sugaya ammaanka.

Wixii warar ee ku soo kordha safarka uu madaxweynaha Turkiga ku yimaaday magaalada Muqdisho kala soco wararkeena dambe.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS