Daawo Sawirrada Qaraxii Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada

Labo weerar oo ismiidaamin ahaa ayaa duhurkii shalay lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Xarunta Madaxtooyada, iyadoo hotelka 10-kii bishan lagu qabtay Shirkii wasiiradda Arrimaha Dibada IGAD, waxaana hotelkan uu ahaa mid dhowaan dib loo dayactiray.

Daawo Sawirrada Qaraxii Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada

Qaraxa hore ayaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhiftay afaafka hore ee Hotelka, gaar ahaan albaabka oo gebi ahaanba bur buray, iyadoo qaraxa labaad uu ahaa ruux xirnaa jaakadaha qarxa oo ay markii dambe ciidamada toogteen markii uu gudaha Hotelka soo galay.

Inta la og yahay ilaa todobo ruux oo saddex ka mid ah ay ciidamada booliska ahaayeen, labana kuwii is qarxiyay iyo labo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarkan oo lagu soo beegay, xilli manta la filaayay in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Sidoo kale weerarkan ayaa dhacay xilli Hotelka ay ku shirayeen Wafdi Turkish ah oo u gogol xaarayay wafdiga Madaxweynaha Turkiga, iyadoo wasaarada Arrimaha Dibada Turkiga ay sheegtay in aanay waxba soo gaarin mas’uuliyiintooda.

Wasaarada Arrimaha Dibada Turkiga ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin socdaalka uu maalinta berri ku imaanayo Madaxweyne Erdogan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta booqday goobtii uu qaraxa ka dhacay ee Hotelka SYL, iyadoo Madaxweynuhu kulan la qaatay saraakiisha laamaha ammaanka, waxaana jira canaan loo jeediyay ciidamada amniga oo ahaa qaabka ay gaariga ugu suurta gashay inuu hotelka soo abaaro, xilli wadooyinkana ay xirnaayeen.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa feejignaan dheeri ah ku jira, iyadoo wadooyin badan la sii xiray, waxaana wadooyinka lagu xardhay Calamada Turkiga iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn ugu diyaar garowday soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha Turkiga oo maalinta berri booqasho rasmi ah ku imaanaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

123456

Section  Somali
Category   Local News
Tags  muqdisho qaraxii

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS