5 entries

Articles Published on January 23, 2015

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis oo geeriyooday

Boqorta dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Riyadh, kadib markii uu mudooyinkan uu xanuunsanayay.

Madaxweynaha Turkiga oo ka baaqday safarkii uu maanta ku imaan lahaa magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta ka baaqday safar uu ku imaan lahaa Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo uu u baaqday geeridii Boqor Cabdalla Bin Cabdul Casiis.

Madaxweynaha Yemen iyo Ra’iisul Wasaarihiisa oo is casilay

Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Khaled Baha ayaa iska casilay xilka madaxtinimada dalkaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Yemen.

Daawo Sawirrada Qaraxii Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada

Labo weerar oo ismiidaamin ahaa ayaa duhurkii shalay lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Xarunta Madaxtooyada, iyadoo hotelka 10-kii bishan lagu qabtay Shirkii wasiiradda Arrimaha Dibada IGAD, waxaana hotelkan uu ahaa mid dhowaan dib loo dayactiray.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Sacuudiga, si uu uga qeyb galo aaska Boqor Cabdalla

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka qaaday diyaarad gaar ah, iyadoo Madaxweynuhu ka qeyb geli doono Aaska Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla bin C/casiis oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Riyadh.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS