43 sano oo ka soo wareegatay markii u horeysay oo uu soo baxo Wargeys Afsoomaali (Warbixin)

Maanta oo kale 21-Janaayo ayaa ku beegan markii u horeysay oo uu soo baxo Wargeys lagu qoro Afsoomaaliga, iyadoo sidoo kale maanta ay tahay maalintii xuska Af Soomaaliga, waxaana la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabado lagu weyneynayo maalinta la bilaabay qorista af Soomaaliga iyo soo bixidii wargeyskii u horeeyay ee Afsoomaali ah.

43 sano oo ka soo wareegatay markii u horeysay oo uu soo baxo Wargeys Afsoomaali (Warbixin)

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan magacawday Gudi qaban qaabiya xuska 43-guuradii ka soo wareegatay markii la bilaabay qorista af soomaaliga, iyadoo tani ay dowladda kaga gol leedahay inay weyneyso luqada afka Hooyo oo sanadihii u dambeeyay hoos u dhac ku yimid.

Sidoo kale waxaa maanta la filayaa in la xuso Maalinta warbaahinta Soomaaliya loo aqoonsaday, waana labo munaasabadood oo isku hadaf ah, maadaama wargeyskii u horeeyay ee Afsoomaali soo baxa ay aheyd 21-kii Janaayo sanadkii 1972-dii.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa sheegay in marxalado kala duwan uu soo maray af Soomaaliga, isagoo xusay afartii marxaladood ee la soo maray laga dhaxlay waxyaabo kala duwan, isla markaana maanta ay ka soo 43-sano markii u horeysay ee uu Wargeys Afsoomaali ah uu soo baxo.

“21-ka Jannaayo waa maalintii ugu horeysay ee uu soo baxay Wargeyskii Xiddigta Okotoober, isla markaana ku asteysan xuska sanad guurada af Soomaaliga, afartii marxaladood ee la soo maray waxyaabo badan ayaa laga dhexgal oo ay ka mid aheyd marxaddii ugu dambeysay ee uu dalka ku jiray bur-burka, 43, sanno ayaa ka soo wareegatay markii uu soo baxay wargeys Af Soomaali ku qoran, ka hor waxaa soo bixi jiray 11 wargeys oo luuqado kale ku qornaa”ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Bahlaawi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Warbaahinta ay door weyn ku laheyd in Af soomaaliga la bad baadiyo oo shacabka lagu baahiyo, isagoo tilmaamay muhiimada xuska maanta oo kale.

Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ahaa Gudigii qoray af Soomaaliga ayaa ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray afka Soomaaliga, isagoo xusay in Gudigii la sameeyay sanadkii 1959 ay ku taliyeen in xuruufta ardayda taqaan ee laatiinka in lagu qoray afka.

“Afsoomaaliga taariikh dheer ayuu soo maray Gudigii la sameeyay 1959 waxay ku taliyeen markii dhinac walba laga fiiriyay, xuruuf cusub oo madbacad aan laheyn hada kadib madbacad la raadinayo in aan dalka dan u aheyn dhaqaale ahaan, waxaa la yiri in xuruuftii ardayda taqaan ee Laatiinka ahaa in lagu qoro af soomaaliga madbacadaheeda yaal makiinada yaal, hadii maanta lagu dhawaaqo berri horayaa af soomaaliga laga qorayaa, Culuumaa’udiinkii waa weynaa ee dalka waxay farta carabiga ku qori jireen afsoomaaliga, laakiin akhrinta ayaa dhib aheyd, xitaa qofka qoray ma aqri karin”ayuu yiri Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka hadlayay taariikhda ay soo martay marxaladihii qorista Afsoomaaliga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa Ardaydii loo diray Ololihii loogu magac daray la dagaalanka qoris la’aanta iyo akhrista la’aanta ee aaday deegaanada reer miyiga ayuu sheegay in guulaha laga gaaray ololahaas ee qorista iyo akhrinta af soomaaliga ay gaartay %55, halka ay ka soo bilaabatay %2.

Si kastaba ha ahaatee dadka Soomaaliyeed ayaa qaba in hoos u dhac weyn uu ka jiro Af soomaaliga, maadaama ay soo bateen isticmaalka luqadaha ajnabiga qaar, waxaana dad badan ay ka digeen inuu lumo ku hadalka Afsoomaaliga, oo marka aad aragto dadka isla hadlaya ay ku hadalkooda afsoomaaliga ay soo geliyaan erayo English ama carabi ah.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS