6 entries

Articles Published on January 21, 2015

Madaxweynaha Turkiga oo maalinta Jimcaha booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho

Wafdi horu-dhac u ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho, iyadoo qeybtii u dambeysay ay maanta soo gaareen, kuwaasoo u gogol xaaraya booqashada la filayo inuu si rasmi ah maalinta jimcaha ugu yimaado Soomaaliya muddo afar sano kadib.

Mareykanka oo markii u horeysay baabuurta qafilan ee MRAP ugu deeqaya howl galka AMISOM

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan uu dhamaadka bishan Janaayo ku wareejinayo baabuurta qafilan ee aan xabadaha iyo miinooyinka karin, kuwaasoo loo yaqaano MRAP, iyadoo 20 ka mid ah baabuurtan la siinayo Ciidamada Brundi iyo Uganda.

43 sano oo ka soo wareegatay markii u horeysay oo uu soo baxo Wargeys Afsoomaali (Warbixin)

Maanta oo kale 21-Janaayo ayaa ku beegan markii u horeysay oo uu soo baxo Wargeys lagu qoro Afsoomaaliga, iyadoo sidoo kale maanta ay tahay maalintii xuska Af Soomaaliga, waxaana la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabado lagu weyneynayo maalinta la bilaabay qorista af Soomaaliga iyo soo bixidii wargeyskii u horeeyay ee Afsoomaali ah.

Diyaar garow ku aadan soo xulida Baarlamaan uu yeesho Maamulka Jubba oo ka socda Kismaayo

Diyaar garow ku aadan soo xulida Baarlamaan uu yeesho maamulka Jubbaland ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay ku qul qulayaan xubno ka kala socda wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya, wafdi ka socda dowladda, odayaal dhaqameedyo iyo salaadiin.

Hogaamiyaha Boko Haram oo sheegtay mas’uuliyada weerarkii magaalada Baga ee waqooyi bari Nigeria

Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau oo ka soo muuqday Video la geliyay barta You Tube ayaa sheegtay in dagaalyahanadiisa ay qaadeen weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee horaantii bishan ka dhacay magaalada Baga ee waqooyi bari Nigeria.

Madaxweynaha “Laga bilaabo maanta Xafiisyada dowladda maku wada xiriiri karaan luqado kale oo Ajnabi ah”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabada maalinta afka Soomaaliga la qoray, gaar ahaan maalintii u horeysay ee uu soo baxo Wargeys ku baxa Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aanay Xafiisyada dowladda ku wada xiriiri karin luqad aan laheyn Afsoomaaliga. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS