5 entries

Articles Published on January 20, 2015

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka A. Dibadda Saldanada Cumaan

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Muscat Wasiirka Arrimaha Dibadda Saldanada Cumaan Yusuf bin Alawi bin Abdullah oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal u dhaxeeya .

Xoogaga Xuutiyiinta oo hareereeyay Guriga Ra’iisul Wasaaraha Yemen

Xoogaga Xuutiyiinta Shiicada ayaa hareereeyay Guriga Ra’iisul Wasaaraha Yemen ee Caasimada Sanca, iyadoo dagaalo xoogan ay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Uganda oo sii deysay labo haween Soomaali lagu eedeeyay falal Argagixiso

Maxkamad ku taal magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sii deysay labo haween Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa ilaa 10-ruux oo ciidamada ammaanka sanadkii la soo dhaafay ku qabteen mid ka mid ah xaafadaha ku yaal Kampala oo ay u badan yihiin Soomaaliya.

Dagaalo saakay dib uga qarxay deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalo ay mar kale dib uga soo cusboonaadeen deegaanka Deefow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Booliska Nairobi oo u isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa carruur banaanbaxaysay (Sawiro)

Booliska Kenya ayaa u isticmaalay gaaska dadka ilmada ka keena arday wax ka barata mid ka mid ah iskuulada ku yaal magaalada Nairobi kadib markii ay ardaydaasi banaanbax ka sameeyeen garoon ay ku ciyaari jireen oo la iibiyay.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS