6 entries

Articles Published on January 19, 2015

Xildhibaano ka digay in Xukuumada cusub lagu soo daro Xubnihii horay loo diiday ee Wasiirada ahaa

Xildhibaanada Baarlamaanka ee la baxay Kudlada Golaha Bad-baadinta Qaranka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ka soo saaray baaq ku wajahan dhismaha xukuumada iyo xaalada dalka.

Ciidamada Ammaanka oo saaka ilaa xalay baaritaano ka wada qeybo ka tirsan degmada Wadajir

Ciidamada Ammaanka ayaa howl gallo ballaaran ka wada xaafado ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo howl galka intiisa badan uu ka socdo xaafada Buulo Xuubey oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay aysan ka bixin heshiiskii ay horay ula gashay Ahlusuna

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ka bixin heshiiskii ay sanadkii 2013 ay la gashay Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca, iyadoo dowladdu xustay in waxyaabihii horay loogu heshiiyay ay wax badan ka qabsoomeen.

Boko Haram oo dad badan ka soo qafaalatay Cameroon

Dagaalyahano ka tirsan Boko Haram ayaa weeraray tuulooyin ka tirsan dalka Cameroon, kadib markii ay ka gudbeen xadka Nigeria uu la wadaago Cameroon.

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho oo maanta xiran

Waxaa xiran qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka soo gala madaxtooyada Soomaaliya iyadoo wararka ay sheegayaan in loo xirey soo dhoweynta wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo lagu wado in dhowaan uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Duqii magaalada Afgooye Cali Jamiil oo lagu diley qarax miino

Duqii magaalada Afgooye Cali Caddow Cali Jamiil ayaa ku geeriyooday kadib markii gaari uu watay uu dul maray miino la dhigey wadada isku xirta magaalada Muqidisho iyo degmada Afgooye.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS