Gudoomiyaha Baraawe iyo Taliyaasha Booliska & Milatariga oo Xabsiga dhexe loo gudbiyay

Warar ayaa  sheegaya in Xabsiga dhexe ee Xamar loo gudbiyay Gudoomiyaha Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose  iyo Taliyaasha Booliska iyo Milatariga Degmadaasi.

Gudoomiyaha Baraawe iyo Taliyaasha Booliska & Milatariga oo Xabsiga dhexe loo gudbiyay

Wararka ayaa sheegaya in Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ay weheliyaan Labo Nin oo Ganacsatada Degmada Baraawe kamid ah oo iyagana Xabsiga dhexe loo gudbiyay.

Ujeedka Mas’uuliyiintaan kamid ah Maamulka Dowladda Ee Degmada Baraawe iyo  Raga Ganacsatada ah Xabsiga dhexe loogu gudbiyay ayaa ka danbeysay kadib markii Mudo ay Degmada Baraawe ku Xirnaayeen,iyagoona lagu Eedeeyay in Dekadda Macmalka ah ee Baraaw ku taalla ay Dhuxusha ka Dhoofin jireen.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Dalka in laga dhoofiyo ka Mamnuucday Dhuxusha,waxaana ay sheegtay in Shaqsigii lagu qabto Dhoofitaanka Dhuxusha ay u Aqoonsaneyso Danbiil.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS