8 entries

Articles Published on January 10, 2015

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa ka furmay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho Shirkii 53aad ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka si rasmi ah u furay, isagoo haatana khudbad ka jeedinaya shirka.

Al-Qaacidada Yemen oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii Xarunta Wargeyska Charlie Hebdo

Al-Qaacidada jasiiratul Carab ee dalka Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay dalka Faransiiska, kaasoo lagu dilay ilaa 17 ruux oo 12 ka mid ah lagu dilay weerar lagu qaaday Xarunta Wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris.

Gudoomiyaha Baraawe iyo Taliyaasha Booliska & Milatariga oo Xabsiga dhexe loo gudbiyay

Warar ayaa  sheegaya in Xabsiga dhexe ee Xamar loo gudbiyay Gudoomiyaha Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose  iyo Taliyaasha Booliska iyo Milatariga Degmadaasi.

C/qaasim Salaad iyo Nuur Cadde oo ka hadlay Shirka lagu Qabanyo Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/qaasim Salaad Xasan iyo ra’iisul wasaarihii hore, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku kala sugan dalalka Masar iyo Talyaaniga ayaa ka hadlay isbedellada ka muuqda Somalia iyo shirka dalalka IGAD ay Muqdisho ku yeelanayaan mudo ka badan 30-sano.

Wejiga koowaad ee shrika Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Wajiga koowaad ee shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo iminka ay leeyihiin shir Albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

Madaafiic hoobiyeyaal ah oo sababay dhaawacyo oo ku soo dhacay xaafado ku dhow Madaxtooyada

Ilaa afar madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa saaka barqadii ku soo dhacay xaafado ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada, xilli shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD uu ka socday Hotelka SYL, iyadoo shirkan aanu wax carqalad ah ku yeelan madaafiicda soo dhacay.

Madaxweynaha “Madaxweynayaasha IGAD inta uusan sanadkan dhamaan ayay Muqdisho ku shiri doonaan”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu mahaceliyay dulqaadka ay muujiyeen qabsoomidda shirka 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD, waxaana uu si gaar ah ciidamada amniga ee dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ku bogaadiyay sida ay u xaqiijiyeen sugidda amniga caasimada.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
halkaan ka dhageyso
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS