6 entries

Articles Published on January 9, 2015

Baadigoobka loogu jiro labadii nin ee weerartay Xarunta Wargeyska Charlie Hebdo oo maalintii 3aad galay

Ciidamada kala duwan ee Faransiiska ayaa xoojiyay baadigoobka loogu jiro labadii nin ee arbacadii la soo dhaafay weerartay xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee ku yaal magaalada Paris, iyadoo labadan nin laga raadinayo waqooyi bari Faransiiska, halkaasoo ay u baxsadeen. 

Madaxweynaha “Sanadkan waa sanadkii la dagaalanka Musuq maasuqa wax dulqaad oo loo yeelanayo ma jirto”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkan ay dowladiisa la dagaalami doono musuq maasuqa, kaasoo si baahsan u hareeyay hey’adaha dowladda Federaalka.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdigii u horeeyay ee Wasiirada A. Dibada IGAD oo ka socota garoonka diyaaradaha

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Wafdigii u horeeyay ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa ka socota garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka wadada dheer ee isku xirta garoonka ilaa Madaxtooyada si aad ah loo adkeeyay.

Dowlada oo si rasmi ah u shaacisay in shirka wasiirada arrimaha dibada IGAD lagu qabanayo Muqdisho

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Daa’uud Aweys ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ay ku kulmi doonaan 10-ka bisha Janaayo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdigii u horeeyy ee Wasiirada Arrimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf uu ahaa wasiirkii u horeeyay ee saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo ka hadlay qabsoomida shirka Wasiirada A. Dibada IGAD

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dadaal weyn ugu jiraan sidii shirka Wasiirada Arrimaha Dibada Urur goboleedka IGAD uu maalinta berri si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS