5 entries

Articles Published on January 7, 2015

Macalin ka tirsanaa Jaamacada SIMAD oo mid ka mid ah lugihiisa ku waayay qarax loogu xiray gaarigiisa

Macalin ka tirsanaa Jaamacada SIMAD ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay Xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Al-Shabaab oo afar ruux ay ku eedeeyeen Basaasnimo ku toogtay degmada Baardheere

Al-Shabaab ayaa shalay fagaare ku yaal degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku toogtay afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay basaas ahaayeen, lana shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Daraasiin qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Caasimada Yemen ee Sanca

Daraasiin qof ayaa ku dhimatay, kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari uu ku qarxay banaanka Kuleej ay leeyihiin Ciidamada Booliska magaalada Sanca ee caasimada Yemen.

Hogaamiye sare oo ka tirsan Jabhada LRA oo isku soo dhiibay Ciidamada Mareykanka

Nin sheeganaya inuu yahay Hogaamiye sare oo ka tirsan Jabhada mucaaradka ee LRA ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu isku soo dhiibay Ciidamada Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya howl galka lagu baadigoobayo hogaamiyaha LRA Joseph Kony.

Dowlada Shiinaha oo gacan ka geysanaysa sidii Batrool loogaga soo saari lahaa Soomaaliya

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxa ay ka wadahadleen sidii dawlada Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd soo saarida batrooka dalka Soomaaliya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS