Kumanaan ruux oo dhigay dibad baxyo looga soo horjeedo Masaajido lagu gubay Sweden

Kumanaan ruux ayaa isugu soo baxay wadooyinka saddex magaalo oo ku taal Sweden, iyadoo dibad baxayaashan ay dalbanayeen in la soo afjaro weerarada lagu haayo Masaajidada oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay geysanayeen Kooxo Cunsuriyiin ah oo neceb Muslimiinta iyo dadka soo galootiga ah.

Kumanaan ruux oo dhigay dibad baxyo looga soo horjeedo Masaajido lagu gubay Sweden

Xiisada ka taagan naceybka loo qabo dadka soo galootiga ah ayaa ku soo kordhaya dalka Sweden, iyadoo sanadkii hore uu ahaa sanadkii ugu badnaa ee dad badan soo galooti ah ay tageen Sweden.

Dibad baxyada ayaa ka dhacay magaalada Stockholm, Malmö iyo Gothenburg, halkaasoo ah saddexda magaalo ee ugu weyn dalka Sweden, waxaana dadka dibad baxayay oo Muslimiin ah ay wateen boorar ay ku dalbanayeen in la joojiyo masaajidada la gubayo.

“Waxaan dooneynaa inaan dirno fariin ah in weeraradan lagu haayo Masaajidada, waa dhibaato, ma ahan bulshada Muslimiinta oo kaliya”ayuu yiri Mohammed Kharraki oo ah Afhayeenka Ururka Muslimiinta Sweden.

Goob joogayaal ayaa sheegay inay arkeen nin quraarad shidaal ah ku tuuraya masaajid ku yaal magaalada Uppsala ee ku taala Bariga Sweden, maalintii sanadka cusub, isagoo dhigaas ku qeylinayay erayo Islaam naceyb ah ah.


Goor sii horeysay ayaa waxaa dab la qabadsiiyay masaajid ku yaal magaalada Eskilstuna, kaasoo ahaa dhacdadii u horeysay ee masaajid lagu weeraray dhamaadkii bishii hore.

Wasiirka Dhaqanka iyo Dimuqraadiyada Sweden Alice Bah Kuhnke ayaa sheegay in weeraradan loogu tala galay in dadka lagu handado, isagoo xusay in taasi aanay cabsi gelin doonin.

Dibad baxyada ayaa laga yaabaa inay sii xoogeystaan, waxaana qaar ka mid ah dadka diimaha ee ku dhaqan Sweden ay ku tilmaameen tallaabada lagu gubayo Masaajidada inay tahay mid aad u qaldan oo loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.

Girls bear leaflets reading: 'Don't touch my mosque' at a demonstration in Stockholm, Swedenmoske3moske2moske

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Swedan

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS