Kolonyo gaadiid ah oo sida gargaar cunto ah oo gaaray magaalada Buuloburte

Kolonyo gaadiid ah oo u sida gargaar cunto ah dadka ku nool degmooyinka Buuloburte iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta markii ugu horeysay gaaray degmada Buuloburde.

Kolonyo gaadiid ah oo sida gargaar cunto ah oo gaaray magaalada Buuloburte

Gargaarkan cuntada ah oo ay wasaarada arrimaha gudaha ugu talogashay degmooyinkaas ayaa qaatay muddo ka badan bil in ay gaaraan degmada Buuloburte.

Guddoomiyaha degmada Buuloburte Cabdcasiis Duurow ayaa xaqiijiyay in gargaarkan cuntada ah ay soo gaartay magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

Cabdcasiis Duurow ayaa sheegay in cuntadan la soo gaarsiiyay oo 25 baabuurta xamuulka qaada ay tahay mid aad uga yar marka la fiiriyo baahida ka jirta degmada Buuloburte.

Ciidamada dowlada iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM oo gargaarkan galbinayay ayaa intii wadada ku sii jireen waxa ay la kulmeen iskahorimaadyo ay wadada ugu galeen dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab. Waxaya iskahorimaadyadaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Sidoo kale kolonyadan gaadiidka ah ayaa muddo ka badan labo toddobaad waxa ay ugu xayirnaayeen magaalada Jowhar fatahaado ka jirta inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo deegaanka Fiidow.

Tan iyo markii ay ciidamada dowlada iyo AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Buuloburte ayaa waxaa magaaladaasi go’odoomiyay ciidamada Alshabaab oo u diiday in dhinaca dhulka ah wax gaadiid ah uu galo magaaladaas.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Gaadiid Gargaar waday

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS