Ban Ki-moon oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha in Xukuumada la soo dhisayo ay Haweenku ka dhex muuqdaan

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo soo dhoweeyay magacaabistii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid bishii December sanadki dhamaaday ee 2014 ayaa ku baaqay in Xukuumada la soo dhisayo ay door muuqda ku lahaadaan Haweenka.

Ban Ki-moon oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha in Xukuumada la soo dhisayo ay Haweenku ka dhex muuqdaan

Ban Ki-moon ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid ay ka rajeynayaan inuu xukuumada uu soo dhisayo ay qeyb ka noqdaan Haweenka, isla markaana ay horay u socoto Xukuumada cusub.

Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon ayaa sheegay in loogu baaqayo madaxda ugu sareyso dalka inay si wadajir ah isula shaqeeyaan, ayna la yimaadaan hab macquul ah oo siyaasadeed, si hor-yaala dowladda loo qabto

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay ka shaqeeyaan sidii gobolada dalka looga hergelin lahaa nidaamka federaalka iyo sidoo dib u eegis loogu sameyn lahaa dastuurka dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulihii ugu dambeeyay ee dhanka amaanka laga gaaray ay horseedayaan dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta.

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub ay ku taageeri doonaan dhanka horumarinta nabad galyada, horumarka iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaare cumar C/rashiid ayaa dhowaan la filayaa inuu soo dhiso Gole Wasiiro ah, waxaana soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Ra’iisul Wasaaraha oo ah in haweenka ay xubno muhiim ah ku yeeshaan Golaha Xukuumada.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Bankii moon

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS