Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa ka hadlay duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, kaasoo uu ku bartilmaameedsado Hogaamiyeyaasha iyo saraakiisha Al-Shabaab.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya

Sheekh Cali Dheere oo wareysi siinayay Telefishinka Al-Jazeera ee qeybta Carabiga ayaa sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doono duqeymaha Mareykanka halgankooda jihaadka, waxaana uu xusay in xataa hadii duqeyn lagu dilo dhamaan hogaamiyeyaasha Xarakada uusan jihaadka istaagi doonin

“Haddii ay duqeyn ku dilaan dhammaan hoggaamiyaasha Xarakada waa sii socon doonaa hoggaamiye cusub ayaana imaan doono dagaalka lagu koryeelayo kalimada Alle kuma xirna dhimashada qof iyo wax ka badan”ayuu yiri Cali dheere.

Mar la weydiiyay saameynta uu ku yeeshay duqeymihii u dambeeyay ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliyay ayuu sheegay duqeyn lagu dilo Hogaamiyo ama sarkaan aanu waxba u dhimi doonin haba yaraatee, isla markaana dilka xubno ka tirsan Al-Shabaab wax raad ah ku yeelan doonin go’aankooda iyo halgankooda dagaal.

Cali Dheere ayaa ku faanay in howl galladooda ay ku baahiyeen gudaha Kenya, isla markaana Ciidamada AMISOM weerar khasaare badan dhaliyay ku qaadeen saldhigooda ugu weyn ee Xalane dhamaadkii bishii tagtay ee December.

Sheekh Cali Dheere ayaa carabka ku adkeeyay in laamahooda ammaanka ay gacanta ku dhigeen kooxo basaasiin ah oo la shaqeynayay hey’adaha sirdoonka reer galbeedka, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay gacan ka geysteen dilalka saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab sida uu yiri.

Mareykanka ayaa 29-kii bishii December ee sanadkii dhamaaday duqeyn ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabayay C/shakuur oo ahaa madaxii Sirdoonka Al-Shabaab, waana weerarkii u dambeeyay ee Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya.

Horaantii bishii September ayay aheyd markii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa duuliyaha leh ee Mareykanka ay duqeyn ku dileen kolonyo uu la socday Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Calidheere

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS