Tottenham oo 5-3 ugaga badisay Chelsea iyo Arsenal oo 2-0 looga badiyay (Sawiro)
Kulamo xiise lahaa kana tirsanaa horyaalka Ingiriska ayaa maanta la ciyaaray iyadoo natiijooyin aan hore loo fileyn ay qaar kamid ah ciyaarahaasi ay ku soo dhamaadeen.
Kooxda Man United oo dardar ku socotay toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa taako loo dhigey kadib markii ay kulan ay u marti ahayd kooxda Stoke City ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah.
Goolka ayaa waxaa ku hormartay kooxda Stoke waxaana ay dhalisay daqiiqadii 2 aad ee ciyaarta kadib markii koorne la soo laaday uu madaxeeyay madaxeeyay Peter Crouch ay ku sii dhacday Ryan Shawcross waxana uu goolkaasi uu noqday goolkii ugu horeysay ee Premier League ee sannadkan cusub ee 2015.
Hase ahaatee daqiiqadii 26aad ee ciyaarta ayaa goolka barbaro ah waxaa u dhaliyay Man United Falcoa oo goolkaasina uu ahaa kii 3aad ee uu u dhaliyo kooxda Man Untied tan iyo markii uu ku soo biiray.
Hase ahaatee haddii ay Man United barbaro ay tuugtay ciyaarta ku soo dhamaatay waxaa ciyaar la yaab leh dhex martay Liverpool iyo Leciester City oo ah kooxda ugu hooseysa kala horeynta horyaalka Ingiriiska.
Liverpool ayaa 2 gool ku hormartay iyadoo goolashaasina ay ahaayeen rigoorayaal uu dhaliyay Stevan Gerrard. Mid ka mid ah rigoorayaashana sababta loo dhigay ayaa shaki uu ku jiray waxaana garsooruhu uu mooday in ay gacanta ugaga dhacday daafaca Leicester City balse waxa ay kubbada ku dhacday wajiga daafaca.
Si kasta ha ahaatee qeybtii hore oo lagu kala nastay 2-0 ayaa kooxda Leicester markii la soo laabtay waxa ay muujisay dadaal faro badan kaasoo sababay in ciyaaryahanada Nugent iyo Schlupp ay 80 ilbiriqsi gudaheed ku dhaliyaan labo gool waxayna ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah.
Kooxda Southampton ayaa garoonkeeda ku martigelisay Arsenal waxayna uga badisay 2:0, laba gool oo ay u kala dhaliyeen Sadio Mane iyo Dusan Tadic ayay Southampton saddexda dhibcood sara jooga kaga tirisay kooxda Arsene Wenger.
Kulan kale oo aad u xiise lahaa ayaa waxaa uu dhex maray kooxaha Arsenal iyo Southampton oo ku kala jiray kaalimaha 4aad iyo 5aad ee kala horeynta balse isku dhicbco ahaa. Ciyaartan oo Arsenal ayaa soo booqatay kooxda Southampton, waxaana kooxda Arsenal ay soo gashay garoonka iyadoo aan wadan ciyaaryahanadii goolasha u dhalin jirey maadaama uu Giroud dhaawac ugaga maqnaa halka Welbeckna ganaax ciyaarta uu ugaga maqnaa.
Kubbad uu dhinaca midig kala yimid ayuu Mane ayuu goolhaye Wojciech Szczesny doonayay inuu ku soo baxo, halka difaaca Gunners ay ku wada mashquuleen ciyaartoyga kubbad haysta balse Mane ayaan is dhibin wuxuuna kubbad wareegaysa kooxdiisa ugu dhaliyay gool aad iyo aad qurux badan.
Qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa noqotay mid xiiso badan leh, kadib weerar iyo weerar helis ayay markale Southampton heshay fursad ay hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay, waxaana markan goolka labaad ka dhaliyay Dusan Tadic, kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Saints markan hogaanka ku dheeraysatay. Labadaa gool iyo waxba ayay ciyaartii ku soo dhamaatay waxayna Southampton sii xajisay kaalinteeda afaraad.
Kooxda Man City oo garoonkeeda ku martigelisay kooxda Sunderland ayaa guul ay u dhididay ugaga badisay 3-2. Goolasha Man City ayaa waxa u kala dhaliyay Yay Toure,Steven Jovetic iyo Lampard halka Sunderland labada gool ay ka kala heshay Jack Rodwell iyo Adm Johnson.
Kulankii ugu xiisaha badnaa ee maanta la ciyaray ayaa waxaa ay dhex martay kooxaha Tottenham iyo Chelsea.
Kulankan ayaa noqday mid guuldaradii 2aad dhadhansiisa kooxda Chelsea ee haysata hogaanka horyaalka Ingiriiska iyadoo qarka u istaagtay in lagala wareego hogaanka oo dhinaca goolasha loogaga haayo hase ahaatee waxaa weli hogaanka goolal tirsi ku haya Chelsea inkastoo ay haatan isku dhinbco yihiin Man City.
5gool ayaa loogu bedelay gool ay la hormartay Chelsea taasoo uu dhaliyay Diego Costa, hase ahaatee Tottenham ayaa la soo baxday dardar waxaana goolka barbaraha u dhaliyay Harry Kane, hase ahaatee iyadoo aan waxbadanba ka soo wareegin waxaa goolka 2aad u dhaliyay Tottenham Dannu Rose hase yeeshee intii aysan dhamaan qeybtii hore ayaa gool 3aad oo ahaa rigoore waxaa u dhaliyay Tottenham Townsend.
Qeybtii hore ayaa ku soo dhamaatay 3-1 hase ahaatee markii la isku soo laabtay oo la islahaa Chelsea waxbay ka bedeli doontaa ciyaarta ayaa gool 4aad laga dhaliyay waxaana markan goolkaiisa labaad dhaliyay Kane oo ah nin dhalinyaro ah. Hase ahaatee kubbad laga faa’ideystay ciyaaryahanada Tottenham ayaa waxaa gool ka dhigey Hazard iyadoo ciyaartu noqotay 4-2. Hase ahaatee goolkii 5aad ayay Tottenham dhalisay waxaana u dhaliyay Chadli balse Chelsea xawaaraheeda sii xoojisay heshayna goolkeedii 3aad iyadoo uu u dhaliyay John Terry. Gabagabadii ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 5-3 oo ay ku badisay Tottenham.
Comments