Oday 70 jir ah oo lagu dilay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Kooxo hubeysan ayaa duleedka degmada Qoryooley ku dilay Oday 70 jir ahaa, iyadoo dilkan uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo ku soo noq-noqonayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Oday 70 jir ah oo lagu dilay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilkan ka dambeeyay ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud, iyadoo ninkan odayga ahaa iyo gabar uu dhalay ku dilay guri ay ka degenaayeen duleedka Qoryooley.

Gudoomiye kuxigeenka dhanka amniga ee degmada Qoryooley ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii falkan naxariis darada ka dambeeyay, waxaana uu xusay in falka dilka uu yahay mid aano qabiil sida uu yiri.

Dhinaca kale Xoghayaha Maamulka degmada Qoryooley ayaa sheegay in dilkaas uu yahay mid ku saleysan maamulada laga dhisayo Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu cadeeyay inuu yahay mid siyaasad ka dambeysay.

Xoghayaha ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan qaabka dilalkan uga dhacay duleedka degmada Qoryooley, laguna raad-joogo ciidankii falkan geystay, kuwaasoo aan wali gacanta lagu soo dhigin.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Qoryooley

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS