Ahlusuna oo ku eedeysay dhibaatadii shalay ka dhacday Guriceel Gudoomiyaha Galgaduud
Sarkaal ka tirsan Maamulkii Ahlusuna ee laga saaray degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa ku eedeeyay dhibaatadii shalay ka dhalatay dibad baxa ka dhacay Guriceel inuu mas’uul ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Cali ayaa sheegay in wixii ka dhacay Guriceel ay mas’uuliyadiisa qaadanayaan Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye iyo Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Taar-dhuleed.
“Anagu dibad baxaas ma abaabulin, laakiin wuxuu ahaa dibad bax si iskood ah ay u dhigayeen dadka deegaanka, waxaana loogu jawaabay xabad”ayuu yiri Sarkaalkan.
Waxaa uu ku hanjabay in Ciidamada Ahlusuna ee ka baxay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ay dagaal dib ugu soo laaban doonaan, si dadka dhibka lagu hayo ay uga dulqaadaan.
Hadalkan ka soo yeeray Sarkaalkan ayaa imaanaya markii shalay dibad bax ka dhacay degmada Guriceel oo lagu taageerayay Ahlusuna uu isu bedelay rabshado, iyadoo ciidamada dowladda ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha oo xarumaha ciidamada soo galay.
Comments