Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Sii hayayaasha qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumada ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaano iyo Taliyeyaasha ciidanka.
Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Masar wuxuu wada hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Masar Abdifattah al-Siis oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Dowladood, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, tababarka ciidammada, iyo in Masar ay hormuud u noqoto dadaalka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha waxay wada hadal yeesheen Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo Imaamka Al-Azhar.
Dib ugu soo laabashada Madaxweynaha ee Caasimada Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo laga sugayo Ra’iisul Wasaaraha inuu maalmaha soo socda uu magacaabo Golihiisa Wasiirada.
Comments