Ilaa 20 ruux oo ku dhintay madfac ku dhacay goob ay xaflad aroos ka socotay dalka Afghanistan

Ilaa 20 ruux ayaa ku geeriyootay markii madfac habow ahaa uu ku dhacay goob ay ka socotay xaflad aroos Gobolka Helmand ee Koofurta Afghanistan.
Ilaa 20 ruux oo ku dhintay madfac ku dhacay goob ay xaflad aroos ka socotay dalka Afghanistan
Dadka dhintay ayaa u badnaa haween iyo caruur, waxaana madfaca uu soo dhacay xilli la so dhoweynayay arooska. Ilaa afartan kale ayaa ku dhaawacmay madfacan oo ka dambeeyay xilli ay dagaalo ka socdeen agagaarka halka ay xaflada aroos ka socotay oo ku dhex marayay ciidamada dowladda iyo Maleeshiyada Taliban. Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaal ku yaal magaalada Lashkar Gah oo ah caasimada Gobolka Helmand. Weerarkan ayaa dhacay maalintii u dambeysay ee howl galka Ciidamada Caalamiga ee Nato, kadib 13 sano oo ay Afghanistan kula dagaalamayeen Taliban iyo Al-Qaacida. Sanadka 2014 ayaa ahaa sanadka ugu dhimashada badnaa dalka Afghanistan tan iyo sanadkii 2001-dii, waxaana Taliban ay xoojiyeen weerarada ay ku qaadayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Caalamiga
Section  Somali
Category   Local News
Tag  Afghanistan

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS