Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2015 oo ka badan sanadkii hore

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyad sanadkeedka 2015, kaasoo labadii maalmood ee u dambeeyay ay ka doodayeen, iyadoo wax ka bedel lagu sameeyay Miisaaniyada sanadka 2015.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2015 oo ka badan sanadkii hore

Gudiga Maaliyada Baarlamaanka ayaa laga dhageystay warbixinta wax ka bedelka Miisaaniyada sanadka 2015, waxaana Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar uu Xildhibaanada faray inay cod u qaadaan miisaaniyadan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood adag ka yeelanayay miisaaniyada, iyadoo qaarkood ay ka soo horjeedeen sida wax loogu maareeyay hey’adaha kala duwan ee dowladda, waxaana ay ku doodayeen in la qayaxo lacagaha ay mushaarka u qaadanayaan saraakiisha ciidamada.

Miisaaniyada sanadka 2015 waxay gaareysaa USD 239.9 Milyan (Labo boqol sodon iyo sagaal, dhibic sagaal milyan oo doolarka Mareykanka), waxaana ay miisaaniyadan ay tahay mid ka badan miisaaniyada sanadkan sii dhamaanaya ee 2014.

Sii hayaha xilka Wasiiru dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur oo goob joog ka ahaa kulanka Baarlamaanka ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay cod u qaadaan, waxaana 148 mudane ay ogolaatay miisaaniyada, 9 mudane ayaa diidan, halka 5 xildhibaana ay ka aamuseen.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar oo gaba gabadii ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in Miisaaniyada ay tahay mid ansax ah oo sanadka 2015 ay u dhaqan galeyso.

Sii hayaha xilka Wasiiru dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur ayaa markii la ansixiyay Miisaaniyada waxaa uu uga mahad celiyay sida wanaaga ku jira ee ay u meel mariyeen, waxaana uu soo dhoweeyay talooyinkii Xildhibaanada ay siiyeen ee ku saabsanaa Miisaaniyada sanadka 2015.

Miisaaniyada sanadka 2015 oo ah USD 239.9 Milyan (Labo boqol sodon iyo sagaal, dhibic sagaal milyan oo doolarka Mareykanka) ayaa waxaa lacagta ugu badan loo qoondeeyay Adeegga Maamulka, waxaana ay kala yihiin sidan Miisaaniyadda joogtada ah waa USD 103.5 Milyan oo u dhiganta 43.1%, hay’adaha adeega Difaaca iyo Amniga waa USD 88.3 Milyan una dhiganta 36.8% , halka hay’adaha adeega Bulshada ay yihiin USD 7.8 Milyan una dhiganta 8.4% iyo kuwa kale ayaa USD 20.2 Milyan una dhiganta 8.4% ee Miisaaniyadda sanadka 2015-ka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Barlamaanka

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS