Howlihii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo saakay caadi ku soo laabtay

Howlihii garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka caadi ku soo laabtay, kadib markii shalay loo hakiyay weerarka Al-Shabaab ku qaaday xerada Xalane oo ku dhegan garoonka.

Howlihii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo saakay caadi ku soo laabtay

Sida ay sheegayaan wararka dhowr diyaaradood oo ay ku jiraan diyaaradaha Turkish Airways iyo Jubba Airways ayaa ka soo degay garoonka, iyagoo keenay rakaabkii rayidka ahaa, waxayna garoonka ka qaadeen rakaab kale oo Muqdisho ka dhoofayay.

Howl wadeen ka tirsan garoonka ayaa sheegay in xaalada ay tahay mid degan, howlahana ay si caadi ah u socdaan, iyadoo ammaanka garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa si aad ah loo adkeeyay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qaaday Xerada Xalane uu galay maalinkii labaad, isla markaana dagaalyahanadooda ay wali qeyb ka mid ah gudaha ugu jiraan.

War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in xaalada xerada xalane ay degan tahay, ammaankana ay gacanta ku hayaan, inkastoo aanay wali si faah faahsan uga hadlin weerarkii shalay, marka laga reebo in sagaal ruux ay sheegeen inay ku dhinteen weerarkaas oo shan ka mid ah ay ahaayeen dableydii weerartay, saddex AMISOM iyo qof rayid ah.

Wadooyinka soo gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ammaankooda si aad ah loo adkeeyay, waxaana dadka iyo gaadiidka lagu baarayay dhowr bar ciidan oo laga koontaroolayay ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xerada Xalane.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  goroonka muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS