Ahlusunna oo Dagaal ku Hanjabtay

Sargaal ka tirsan Ciidamada Ahlusunna ee Magaalada Dhuusomareeb kula dagaalanay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay Duulaan ku qaadayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gacanta ku haya Xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusomareeb.

Ahlusunna oo Dagaal ku Hanjabtay

Maxamed Axmed ayaa tilmaamay in Ciidamada Ahlusunna Gaar ahaan Garabka Dagaalka ka wada Galgaduud ay hada qaar joogaan Magaalada Dhuusomareeb sida uu sheegayo,halka ay jiraan kuwo kale oo Duleedka Degmada jooga.

Shacabka Gobolada dhexe ayuu ugu baaqay sargaalkaasi in ay Gacan siiyaan Ahlusunna, oo ay  iska Dulqaadaan Qolo uu ku sheegay Burcad badeed ku soo duushay.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa sheegay in Dagaalka ka socda Galgaduud aysan  u dhameyn Ahlusunna oo ay yihiin Garab Gobolka Fidno kawada Gobolka sida uu yiri.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Ahlu Suna

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS