Agaasimihii Wasaarada Haweenka oo xalay lagala baxay Gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari

Agaasimihii Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadii kalsoonida lagala laabtay Maxamed Cumar Maxamed ayaa xalay gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari lagala baxay.

Agaasimihii Wasaarada Haweenka oo xalay lagala baxay Gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo ilaa iyo hada la garan ay xalay abaarihii 12:30 ee saq dhexe ay gurigiisa kala baxeen Mas’uulkan, iyadoo aan la ogeyn halka lala aaday.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaarada ayaa sheegaya in Agaasimaha xalay saqdii dhexe, xilli uu jiifay ay dabley hubeysan ay gurigiisa u dhaceen, dabadeedna ay la baxeen, kuwaasoo la sheegay inay gaari wateen.

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu wadaa inay maanta shir jaraa’id qabato, kana hadasho xaalada Agaasimaha ee xalay gurigiisa lagala baxay.

Maxamed Cumar ayaa muddo sanado ahaa Agaasimaha Wasaaradda Haweenka

Maxamed Cumar ayaa muddo sanado ahaa Agaasimaha Wasaaradda Haweenka

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka oo ku aadan warka ku saabsan Agaasimihii Wasaarada Haweenka oo xalay gurigiisa lagala baxay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS