Mid ka mid ah Macalimiinta Jaamacada SIMAD oo saakay lagu dilay Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa goor dhow oo saakay ah ku dilay magaalada Muqdisho mid ka mid ah Macalimiinta Jaamacada SIMAD, iyadoo kooxihii hubeysnaa ay baxsadeen.

Mid ka mid ah Macalimiinta Jaamacada SIMAD oo saakay lagu dilay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka kooxaha hubeysan ayaa macalinkan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xaamud ku dilay agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee degmada Hodan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale Macalinkan uu ka mid ahaa Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka jaamacada SIMAD, isagoo sidoo kalena ahaa Ku simaha Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD.

Jaamacada SIMAD ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu caansan magaalada Muqdisho, iyadoo kulyadaheeda kala duwan ay dhigtaan kumanaan arday, waxaana sanadkan ka qalin jebisay arday ku dhow labo kun.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS