War Deg Deg ah:Kenya oo Dowladda Soomaaliya u soo gacan gelisay Xasan Xanafi oo ku eedeysan dilka Wariyeyaal

Dowladda Kenya ayaa dhawaan ku wareejisay Dowladda Soomaaliya Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo maanta Hey’adda Nabadsugida Qaranka ay ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho.

War Deg Deg ah:Kenya oo Dowladda Soomaaliya u soo gacan gelisay Xasan Xanafi oo ku eedeysan dilka Wariyeyaal

Sirdoonka Kenya oo gacan ka helaya Sirdoonka Soomaaliya ayaa ka soo qabtay Xasan Xanafi xaafada soomaalida ay ku badan yihiin islii bishii Agosto ilaa iyo waqtigaas waxaa ku socday baaritaano kadibna waxaa loo soo wareejiyay magaalada muqdisho.

Laamaha Sirdoonka ee Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Xasan Xanafi Xaaji oo mar ka mid ahaan jiray wariyaashii Idaacadii IQK ama Idaacada Idaacada Quraanka kariimka ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Xanafi ayaa ku eedeysan dilalka dhawr wariye sida ay sheegayso dowladda soomaaliya, waxaana ku socdo baaritaanno, isla markaana goor dhow sharciga la horgeyn doono.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale.

“Ninkan aad aragtaan waxaa uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo saxafiyiin badan lagu dilay, waxaana soo qabashadiisa ka qeyb qaatay Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo gacan ka helaya Sirdoonka Kenya, xogo ay hayeen ayaana lagu qabtay, isagoo Nairobi ku sugan”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ka dalbatay kenya inay ku soo wareejiso Xasan Xanafi oo xilligaas ku xirnaa xabsi ku yaal Kenya.

DSC00045Xanafi

Section  Somali
Category   Local News
Tags  iyo keyan somalia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS