8 entries

Articles Published on December 7, 2014

Xildhibaanada Baarlamaanka oo codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare C/wali, iyadoo Gudoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada.

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aankii Baarlamaanka ee kalsoonida kala noqoshada Ra’iisul Wasaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aankii Baarlamaanka ee uu codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh, isagoo ka dhawaajiyay inuu dhamaaday kala aragti duwanaanshihii jiray.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo aqbalay go’aanka Golaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaamiyo.

Xeer Ilaaliyaha Guud oo Amar ku bixiyay in aanay Wasiirada dalka ka bixi karin amar la’aan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa war qoraal ah oo ay si wadajir u soo saareen ku sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirada aanay dalka amar la’aan ka bixi karin.

UNHCR oo qaxootigii u horeeyay dib ugu soo celin doonta Soomaaliya

Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo celiso qaxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha Sh/Dhexe oo booqday Tuulooyinkii lagu gubay dagaal beeleedyadii ka dhacay bariga Jowhar

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa booqasho ku tagay tuulooyinkii ku gubtay dagaal beeleedyadii sanadkii hore ka dhacay bariga magaalada Jowhar.

Guddoomiyihii degmada Buurhakaba oo lagu dilay Iska hor imaad ka dhacay Inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq-bariweyne

Dabley hubeysan ayaa ku dishay inta u dhexeysa deegaanka Yaaq Bariweyne iyo Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose Guddoomiyihii degmada Buurhakaba ee gobolka Bay Maxamed Cali Maamow.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada Axada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasashada Axada oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSASO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS