Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo shalay gelinkii dambea lagu qaaday makhaayad ku taalla Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa tobaneeyo ruux iyo dhaawaca sodon kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu cambaareeyay weerarkaas oo lagu tilmaamay inuu yahay mid muujinaya cadaawad iyo naf la caarinimo.

“Falkan isqarxinta ah ee lala bartilmaameedsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxay ina tuseeysaa cadaawadda iyo naflacaariga kooxaha nolol diidka ah oo damacoodu yahay in ay wiiqaan nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ciidamadda ammaanka ugu wargeliyeen weerarro noocaan oo kale ah oo la damacsanaa in shacab lagu waxyeelo has yeeshee la fashiliyay. Wuxuuna ugu baaqay in ay ku sii dhiirradaan la shaqeynta ciidamadda ammaanka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ciidamadda ammaanka qeybahooda kala duwan ku amray inay sii xoojiyaan dadaalada ay uga hortagayaan ficilada noocaan oo kala ah oo ay kooxaha nolol diidku isku dayayaan inay waxyeelo ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  madaxweynaha Soomaaliya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS