Howlo lagu dayactirayo nalalka ku shaqeeya cad-ceeda oo ka bilowday wadooyinka Muqdisho (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay howlo lagu dayactirayo nalalka cad-ceeda ku shaqeeya ee wadooyinka magaalada Muqdisho.

 Howlo lagu dayactirayo nalalka ku shaqeeya cad-ceeda oo ka bilowday wadooyinka Muqdisho (Sawirro)

Dayactirkan lagu sameeynayo nalalka dansan ee cad-ceeda ku shaqeeya ayaa ka dambeeyay kadib markii nalalka cad-ceeda ku shaqeeya qaarkood uu ka dhacay batterigii ay ku shaqeynayeen taasi oo hada maamulka Gobolka Banaadir uu dayaactir balaaran ku sameynayo.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud faarax (Cali Seeko) oo ka mid ahaaa mas’uuliyiintii kormeereysay shaqada dayactirka nalalka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hawl geliyo nalalka dansan ee wadooyinka maagalada Muqdisho si kor loogu qaado bilicda magaalada iyo ammaankaba.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu wado howlo badan oo sare lagu qaadayo bilic soo celinta magaalada Muqdisho iyo ammaanka Caasimada.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay looga hirgeliyay nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, inkastoo qaarkood qaraxyo lala eegtay, waxaana wali jira xaafado iyo wadooyin aan la gaarsiin nalalkan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday wadooyinka magaalada Muqdisho hawlo dib loogu dayactiro nalalka cadceeda ku shaqeeya ee (Solar lights)

nalal (7) nalal (6) nalal (5) nalal (4) nalal (3) nalal (2) nalal (1)

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS