173 entries

Articles Published in December, 2014

Qaramada Midoobey oo ka digtay in Cudurka Ebola uu ku faafo Caalamka

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in Cudurka Ebola uu ku faafo Caalamka intiisa kale, kadib markii bilihii la soo dhaafay ay cudurkan ugu geeriyoodeen kumanaan ruux dalal ku yaal Galbeedka Afrika.

Bahda Warfaafinta oo kulan is xog-wareysi ah la yeeshay rug cadaaga saxaafadeed Cali Muse Cabdi

Kulankan oo ka dhacay hotelka Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay inta badan agaasimayayaasha xarumaha warbaahinta Muqdisho , waxaana uu ujeedkiisu ahaa in Wariye Cali Muse Cabdi khibradiisa saxaafadeed uu  la wadaago wariyayaasha Muqdisho ee mihnada saxaafada ku soo biiray 10-kii sano ee ugu dambeysay .

Aqoon isweydaarsi loogaga hadlayo xeerka Soomaalidii hore oo lagu qabtay Muqdisho (Sawiro)

Kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo uu bishan Muqdisho ku qabtay Machadka Daraasaadka Soomaalida (ISOS) ayaa ciwaan looga dhigay ‘Xeerka Soomaalidii hore iyo Qaanuunka Soomaaliya’ iyadoo kulanka uu kasoo jeediyay faallo arrintan ku saabsan aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Axmed Sheekh Cali (Buraale).

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan oo is casilay

Taliyaha ciidamada Booliska caasimada dalka Afghanistan General Zahir ayaa is casilay kadib markii labada todobaad ee ugu dambaysay ay sii korortay weerarada ay xoogaga Daalibaan ku hayaan dadka shisheeye ee ku nool.

Howlo lagu dayactirayo nalalka ku shaqeeya cad-ceeda oo ka bilowday wadooyinka Muqdisho (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay howlo lagu dayactirayo nalalka cad-ceeda ku shaqeeya ee wadooyinka magaalada Muqdisho.

Kenya:Wasiirka Arrimaha Gudaha & Taliyaha Booliska oo Iscasilaya

Sida ay qorayaan Wakaaladaha iyo wargeysyada dalka Kenya ,wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi Kenya ee cadaadiska uu haysto iyo taliyaha ciidamada booliska ayaa lagu wadaa maanta in ay iscasilaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, iyadoo labada garab ee Xildhibaanada ay xalay oo dhan shirar gaar-gaar ah ku lahaayeen Hotelada iyo xarumha dowladda.

Weerar hubeysan oo xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Wajer

Wararka ka imaanaya magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen goob lagu caweeyo.

Wiil Soomaali ka bar bar dagaalamayay ISIS oo ku geeriyooday dagaalo ka dhacay Ciraaq

Dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ee loo yaqaano ISIS ama IS ayaa ku dhawaaqday in wiil Soomaali ka bar bar dagaalamayay ciidamadooda uu ku dhintay dagaal ka dhacay Khamiistii magaalada Kirkuk ee dalka Ciraaq.

Ronaldo, Messi iyo Manuel Neuer oo isugu soo haray Abaal marinta Ballon d’Or

Ciyaaryahanada Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Manuel Neuer ayaa isugu soo haray saddexda ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marinta sanadkan ee loo yaqaano Ballon d’Or, iyadoo abaal marinta cida ku guuleysata lagu dhawaaqi doono 12-ka Janaayo ee sanadka soo socda ee 2015.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS