Mas’uuliyiin iyo saraakiil lagu eedeeyay inay dhuxul ka dhoofiyeen Baraawe oo xabsiga la dhigay
Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo Ganacsato la sheegay inay si sharci daro ah Dekeda Baraawe ugaga dhoofiyeen dhuxul, iyadoo Xeer ilaalinta ay sheegtay inay socdaan baaritaan.
Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ku jira Gudoomiyihii degmada Baraawe, Taliyihii Booliska iyo Nabadsugida Baraawe, Ganacsato iyo dadkii lahaa doomo lagu dhoofinayay dhuxul taalay Baraawe oo ay horay dowladdu u mamnuucday in la dhoofiyo.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay inay socdana baaritaano la xiriira dadka lagu tuhumayo inay ka dambeeyeen dhuxul laga dhoofiyay Baraawe, waxaana uu xusay in Maxkamad la horgeeyay
“Wali baaritaan ayaa socota, dad mas’uuliyiin ayaa la xiray oo ay ku jiraan Gudoomiyihii degmada Baraawe, Taliyihii Nabadsugida, Booliska, Dad ganacsato ah, dadkii doomanka lahaa, si sharciga yahay ayaa Maxkamad loo horgeeyay, waxaa hey’adaha garsoorka ka codsanay in baarista muddo kordhin lagu sameeyo, waana la ogolaaday, kaliya waa un tuhun marxalad la eedeeyo ma gaarin”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Mar la weydiiyay hadii dowladdu xeer ka soo saartay dhoofinta dhuxusha ayuu sheegay in dowladda horay u mamnuucday, isla markaana uu galayo xeerka qeybta Kontorbaanka, isla markaana wixii sharci daro loo aqoonsanayo fal dambiyeed sida uu yiri.
Waxaa uu qiray inay jiraan meelo kale oo laga dhoofiyo dhuxusha, isagoo xusay inay socdaan baaritaan lagu xaqiijinayo, isagoo qiray in meelaha bartilmaameedka ah ay isugu jiraan deegaano ay ka jiraan maamul goboleedyo iyo gobolo aan maamul goboleed ka hirgelin sida uu yiri.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dekeda Kismaayo ay maalmihii u dambeeyay ka socotay dhoofinta dhuxusha, waxaana horay warbixin Qaramada Midoobey uga soo baxday ay sheegtay in Ciidamada Kenya iyo Maamulka Jubba ay dhuxul ka dhoofiyeen Dekeda Kismaayo.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa horay u mamnuucay dhoofinta dhuxusha, waxaana mamnuucistan ka dambeysay markii la ogaaday in Al-Shabaab ay dhaqaale ka helaan dhoofinta dhuxusha, gaar ahaan magaalooyinkii xeebta ku yaalay ee ay maamuli jireen.
Comments