6 entries

Articles Published on November 21, 2014

Madaxweyne Xasan “Xukuumada shaqadeeda waa socon weyday, Baarlamaanka waajibka saaran waa in….”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya shaqadii loo dhiibay ay socon weyday, isagoo ugu baaqay Baarlamaanka inuu keeno Xukuumad shaqeyneyso.

Nicholas Kay oo sheegay in aanay jirin sabab uu raalin gelin uga bixiyo hadalkii Baarlamaanka

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay waxyaabihii ka soo baxay shirka Copenhagen ee looga hadlayay Hiigsiga Soomaaiya iyo sida ay tahay in loo fuliyo qorshayaasha u harsan dowladda, si sanadka 2016 loo gaaro doorasho.

Sarkaal ka tirsanaa Laanta dambi baarista CID oo Muqdisho lagu dilay iyo Sarkaal Milateri oo la dhaawacay

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dilay agagaarka Xaafada Korontada ee degmada Wadajir Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan Laanta dambi baarista ee CID.

War murtiyeedka Shirkga Hiigsiga cusub ee Copenhagen (Akhriso)

Shirka Hiigsiga cusub ee Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Copenhagen ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban ilaa 24 qodob, iyadoo looga hadlay dhinacyo badan oo ku aadan hiigsiga sanadka 2016 sidii doorasho uga dhici laheyd

Xildhibaan Jeesow oo ugu baaqay Gudoonka Baarlamaanka inuu wax ka qabto Xildhibaanada qaska wada

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee mooshinka ka wada Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ka sugayaan Gudoonka Baarlamaanka inay go’aan ka qaataan Xildhibaanada wali qaska ka wada fadhiyada Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka ku soo laabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay,  iyadoo si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS