7 entries

Articles Published on November 17, 2014

Al-shabaab oo sheegtay inay madafiic culus ku Weerartay Madaxtooyada Soomaaliya

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay fiidnimadii caawa madaafiic ku weerartay madaxtooyada Somalia, balse afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay inaysan jirin wax madaafiic oo kusoo dhacday gudaha madaxtooyada.

Dhismaha Safaaradda Somalia ay ku lahayd Jarmalka oo Gubtay

Dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka oo ku yaala magaalada Bonn ayaa la sheegay in dhamaadkii bishii aynu soo dhaafnay uu gubatay, kaddib markii uu dab qabsaday, iyadoo  dowladda Somalia aysan weli ka hadal gubashada dhismaha safaaradda.

Goodax “Waxaa kula talinay Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo, maadaama uu lumiyay kalsoonida Madaxweynaha”

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in xalay fiidkii ay u gudbiyeen warqad ay kaga dalbanayaan inuu is casilo.

Doorashada Madaxweynaha ee Maamulka Koofur Galbeed oo saakay Baydhabo ka dhaceysa

Doorashada Madaxtinimada Maamulka Koofur galbeed ayaa saaka lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, iyadoo ilaa shan musharax oo uu ugu cad cad yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku tartamayaan doorashada.

Gudoomiye Jaawari”Natiijadii ka soo baxda Shirka Baydhabo ma Aqoonsan doono”

Annagoo ka duuleyna qodobka 11aad ee heshiiskii laba dhinaclaha ahaa maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qeexayey “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan”ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya 9kii bishan November si mideysan u go’aamiyeen hakinta iyo toosinta habraaca maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayadoo qaadashada go’aankaasina uu ka dambeeyey tixgelinta cabashooyinka kasoo yeeraya Odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta,bulshada rayidka iyo ergooyinka weli dibadda ka jooga howlaha geedi socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Banaan bax looga soo horjeedo doorashada Maamulka Koofur Galbeed oo ka socda Baydhabo

Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo shirka maanta lagu dooranayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka socda qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo, iyadoo dadweyne fara badan isugu soo baxeen wadooyinka.

Madaxweyne Xasan oo u dhoofay Denmark xilli uu cirka isku shareeray khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaare C/Weli

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport waxaa goor dhow ka dhoofay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku sii jeeda wadanka magaalada Cobenhegan ee dalka Denmark, safarkaan oo ka duwan safaradii uu Madaxweynaha ku tegi jiray dalalka caalamka.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS