Madaxweyne Siilaanyo “Cidna ka yeeli meyno in Nabadgelyada ay qalqal geliso, Xisbiyadu ma ahan in…”

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay Golaha Wakiilada Somaliland iyo rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Burco, kaasoo rasaas ay fureen Ciidamada booliska ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Siilaanyo “Cidna ka yeeli meyno in Nabadgelyada ay qalqal geliso, Xisbiyadu ma ahan in…”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu ka xun yahay inay dhacaan khilaaf iyo shaqaaqo uu abuuray Golaha baarlamaanka, waxaana uu tacsi u diray dadkii ku dhintay rabshadihii shalay ka dhacay Burco

“Waxaan ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray goloha baarlamaanka, waxa ay hay’adaha ay khuseyso ammaanka isoo gaarsiiyeen in sababtaaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii amaanka sugayey, hal qof oo rayid ahna uu ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, qaarabadii, eheladii iyo dhamaan dadka Jamhuuriayadda Somaliland, waan uga tacsiyeeynayaa aadna waan uga xumahay”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo ayaa sheegay in aaanay cidna uga heebeysan doonin inay sameeyaan falal lagu carqaladeynayo ammaaanka, isla markaana ay tallaabo cad ay ka qaadi doonaan sida uu yiri

“Waxaan leeyahay nabad gelyada ha la ilaaliyo, halala shaqeeyo ciidamada booliska iyo guud ahaan hay’adaha ammaanka ku howlan, amaanka wa sheyga ugu qaalisan ee qarankani haysto, aniguna ka Madaxweyne ahaan, waa mas’uuliyadeyda koobaad, cidna ka yeeli mayo in nabad gelyada qalqal la geliyo”.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa nasiib daro ku tilmaamay in hadalada ka soo yeeraya Xisbiyada mucaaradka oo uu ku tilmaamay inay yihiin baaqyo qabyaaladeed, isla markaana aan loo baahneyn arrintaas

“Xisbiyada waxaa loo sameeyay in qiyaanada lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay kasoo baxdo baaqyo qabyaaladeed, waxaan leeyahay qarankani waxaad u heysaan mas’uuliyad, waxaana waajib idin ku ah in aad ilaalisaan sumcadda, sharafta iyo heybadda qaranimada”ayuu yiri Siilaanyo.

Xildhibaanada muxaafidka ayaa shalay mooshin xil ka xayuubin ka geeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro, iyadoo fadhigana uu hareeyay buuq keenay inay soo kala dhex galaan Golaha Guurtida, si ay u dhex dhexaadiyaan, waxaana fadhiga golaha wakiilada la hakiyay muddo labo cisho ah

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay uu buuq hareeyay fadhigii Golaha wakiilada, isla markaana ay ciidamada booliska xireen ilaa shan xildhibaan, waxaana Gudoomiyihii Golaha wakiilada C/raxmaan Cirro uu ku eedeeyay Xukuumada inay inqilaab kula wareegtay xarunta golaha wakiilada. 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Somaliland

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS