7 entries

Articles Published on November 16, 2014

DaawoSariradda:Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo ka furmi waaya Xildhibaanno Heesaya

Kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa mar kale furmi waayay, kaddib markii xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda ay billaabeen inay heesaan markii la doonayay in kulanka la furo.

Wakiilka QM ee Somalia oo ka Hadlay Murankii Golaha Wakiillada Somaliland

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa ka hadlay murankii maanta ka dhacay xarunta baarlamanka Somaliland, isagoo ugu baaqay dhinacyada inay is-xakameeyo, xaaladdana la dajiyo.

Dowladda Somalia & Maamulka Jubba oo kala saxiixday heshiis Is-afgarad ah

Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka KMG-ka ah ee Jubba ayaa maanta heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixday xarunta maamulkaas ee Kismaayo, kaddib booqasho ay ku tageen wasiirro ka socda dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo “Cidna ka yeeli meyno in Nabadgelyada ay qalqal geliso, Xisbiyadu ma ahan in…”

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay Golaha Wakiilada Somaliland iyo rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Burco, kaasoo rasaas ay fureen Ciidamada booliska ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Abwaan Sangub “Waa xadgudub in Xildhibaanadii dalka inay fowdo u adeegsadaan Heesta Astaanta Qaranka”

Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise (Sangub) ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Xildhibaanadii Baarlamaanka inay fowdo u adeegsadaan Heestii astaanta Qaranka, kadib markii shalay Xildhibaano ka soo horjeeday heesta Mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha ay Gudoomiyaha Baarlamaanka hortiisa ka qaadeen heesta “Soomaaliyay Toosow”

Cabdi Qeybdiid “Khilaafka madaxda dowladda wuxuu saameeyay shirkii maamulka Gobolada Dhexe”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu saameyn weyn ku yeeshay shirkii Maamul u sameynta Gobolada dhexe ee la filayay inuu dhowaan dhaco.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada Axada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasashada Axada oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN HA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS